Gen. Stephen J.Townsend oo gaaray Boosaaso lana kulmay Madaxweyne Deni (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada,iyo wada shaqaynyta Taliska Africom iyo Dowladda Puntland.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend oo booqasho ku jooga Soomaaliya ayaa booqasho ku maraya qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, waxa uuna halay tagay Kimaayo uu kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland.

 

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -