Allbanaadir.com
NEWS

Geela Somaliland oo Tartan aan horey loo arag loo qabanayo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saakay kormeer ku tegay xarun gaar ah oo loogu talo-galay in lagu tartan siiyo Geela ugu caanaha badan deegaanada Somaliland.

Tartankan waxaa geelayda ka caawiyey Xukuumadda Somaliland iyo dowlada Imaaraadka carabta oo u qabtay tartankan si loo helo caqabadaha keena caano yaraanta geela ku dhaqan deegaanada Somaliland.

Waxaana maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doonaa miisaanka ugu badan ee laga lisay labada wakhti ee galabtii iyo subaxdii, iyadoo isla goobtaasi lagu miisaamayo caanaha laga lisay hal kasta oo halkaasi ku sugan, waxaana loo kuurgeli doonaa wixii looga gudbi lahaa arrintaasi si loo helo kor u kaca miisaanka caanaha laga lisay geela Somaliland.

Tartankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu qabanayo deegaanada Somaliland, waxaana tartankan geela caanaha badan lagu tartansiinayo soo dhaweeyay dadka dhaqda Geela.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi Oo Booqday Aasaarta Qadiimiga Ah Ee Laas-Geel (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cudurka Ebola oo dad ku dilay Mid ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia

Caydiid Ali

UK oo Digniin adag kasoo saartay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble fariina u dirtay Ciidanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---