Warar yaab leh oo ka soo kordhay kuraasta Baladweyne ee caawa la shaaciyey

Afhayeenka guddiga Doorashada heer federaal ayaa beeniyay liiska caawa ka soo baxay guddiga doorashada Hirshabelle ee lagu shaaciyey kuraastii ugu horeysay ee lagu dooranayo Magaalada Baladweyne.

Isagoo la hadlayey warbaahinta gudaha qaarkood ayaa afhayeenku waxaa uu fake ama been abuur ku tilmaamay warqada ka soo baxday guddiga doorashada hirshabelle ee lagu shaaciyey kuraasta Baladweyne.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa bogga ay ku leeyihiin facebook ku baahiyey warqadan lagu shaaciyey doorashada kuraasta Baladweyne inkastoo wax yar ka dib laga saaray, waxaana arrintan ka dhashay shaki iyo inaysan labada guddi iska war haynin.

Dhinaca kale liiska kuraasta lagu  dooranayo Baladweyne ee ay caawa soo saareen guddiga doorashada Hirshabelle ayaa waxaa ku jira kursiga HOP 061 oo doorashadiisu horey uga dhacday magaalada Dhuusamareeb, uuna ku soo baxay xildhibaan Dayax Axmed Cumar, waxaana arrintan ay dad badan ku noqotay yaab iyo amakaag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -