Madaxweynaha Galmudug oo kulan Xasaasi ah la yeeshay Saraakiil katirsan AMISOM (Sawirro)

Madaxweynaha dowlada goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay saraakiil katirsan ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaanada Galmudug.

Kulanka ayaana looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa amaanka deegaanada gacanta ugu jira Galmudug iyo sidii loo xoreyn lahaa deegaanada kale ee wali ka maqan gacanta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa uga mahad celiyay saraakiisha AMISOM kaalinta ay ka qaadanayaan nabad gelyada Galmudug, waxa uuna sheegay in maamulkiisa ka go’an yahay adkeynta amaanka iyo xoreynta deegaanada gacantooda ka maqan.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ee kulanka la qaatay Madaxweynaha Galmudug ayaa dhankooda balan qaaday in gacan ka siinayaan maamulka Galmudug adkeynta amaanka iyo sidii gacanta maamulkaasi loogu soo celin lahaa deegaanada Al Shabaab heestaan.

Kulankan uu Madaxweynaha Galmudug la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Dhuusomareeb ayaa noqonaya kii labaad uu la qaato tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -