Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & RW Justin Trudeau? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Mudane Justin Trudeau.

Waxay ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal, iyadoo laga duulayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir madaxeedka afrika kaga qeyb galaya Addis ababa ayaa kulamo la qaadanaya madax kala duwan oo kulankaas ka soo qeyb galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -