Allbanaadir.com
NEWS

Isdiiwaangelinta musharaxiinta doorashada gudoonka Baarlamanka oo bilaabaneysa

Sida ay shalay shaaciyeen guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha shacabka waxaa maanta bilaabanaya isdiiwaangelinta musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in isdiiwaangelinta musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay bilaabaneyso maanta oo Isniin ah taariikhdana ku beegan tahay 23-ka kuna egtahay Talaadada soo socoto taariikhdana ku beegan tahay 24-ka bishan April.

Sidoo kale, Guddiga ayaa xusay in hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha golaha shacabka ay dhaceyso 25-ka bishaan oo ku beegan Arbaca Soo socoto ayna soconeysa ilaa  26-ka bishan.

Ugu dambeyn guddiga ayaa cadeeyay in doorashadu ay dhaceyso 30-ka bishaan Abriil oo todobaadka damba ah.

Musharaxiin badan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa shaaciyey iney u taagan yihiin doorashada gudoonka golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cirro oo ku dhawaaway in uu furan yahay Madaarka Berbera (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaano laga mamnuucay in ay ka baxaan Kismaayo iyo Sababta ka dambeysa

admin

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo la kulmay Michael Nithavrianakis (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---