Guddiga doorashada guddoonka Golaha shacabka oo jawaab kulul siiyey Wasiir Xoosh

Guddiga qaban-qaabada doorashada gudoonka golaha shacabka ayaa si kulul uga jawaabay hadal shalay ka soo yeeray Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo sheegay in Wasiirada u sharaxan doorasha gudoonka baarlamanka ay tartami karaan iyagoo aan iscasilin.

Wasiir Xoosh ayaa daba joogay go’aan ka soo baxay guddiga doorashada oo ahaa in Wasiirada u sharaxan xilka gudoonka Baarlamanka ay marka hore iska casilaan xilalka ay Xukuumada ka hayaan haddii  kale aysan ka qeyb geli doonin doorashada.

Madaxa Maaliyadda ee Guddiga doorashada gudoonka golah shacabka Xildhibaan C/llaahi Maxamed Shaacir ahna ayaa sheegay in guddigoodu uu yahay mid madax banaan, Wasiirka Dastuurkana uusan faraha la soo geli karin shaqadooda, waxaana uu sheegay iney iyagu yihiin kuwo uu Baarlamaanka arrintan u xil saaray.

Waxa uu sheegay in Dastuurka uusan ku jirin qodob sheegaya in Wasiir uusan isa sharixi Karin iyo in uu isa sharixi karo, laakiin loo baahan yahay in meel dhexe la isugu yimaado.

Hadalkii ka soo baxay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayuu xildhibaanku sheegay inuusan wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aankii ay ka soo saareen wasiirada musharaxiinta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -