Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Saciid Deni oo shir deg deg ah isugu yeeray Xubnaha Puntland ku metela DF

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay hareeraha ka joogaan inta badan xubnihiisa Golihiisa Wasiirada ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo hareer maray nidaamyadii lagu hashiiyey, isagoo ku eedeeyey in dowladiisu howl ka dhigatay sidii ay ula dagaalami lahayd maamul Goboleedyada.

Deni ayaa ku dhawaaqay in 15-3-2020 Magaalada Garoowe lagu qabanayo shir wadatashi ah, isagoo u yeeray dhammaan xubnaha labada aqal ee Puntland ku metela federaalka iyo siyaasiyiinta si wadatashi looga yeesho xaaladda sii xumaanaysa ee Puntland iyo Federaalk.

“Wax badan ayaa madaxda Dawladda Faderaalka la hadalnay si howsha taagan loo dhammeeyo balse aamuskayaga ayaa waxaa loo qaatay inaan waxa soconaya raali ka nahay ” ayuu yiri Deni.

Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo federaalka ayaa mudooyinkanba sii xoogeysanayey kaasoo salka ku haya arrimo kala duwan oo iskugu jira siyaasada, arrimaha Jubbaland, waxbarashada iyo qodobo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiye 25 sano ka hor madaxiisa la dul dhigay Malaayiin dollar oo la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay go’aan oo wadnaha gooyey dowlada Sweden

Caydiid Ali

Ciidamada dowlada oo soo bandhigay hub & gaadiid ay ka furteen Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---