Ciidamada XDS ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyey degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo saraakiisha howlgalkaas hogaamineysa ay sheegeen inay horumar ka gaareen.
Waxaa howlgalkan ciidamada dowladda gacan ku siinaya kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tirsan, waxaana Saraakiisha ciidamada Xoogga dalku sheegeen inay Al-Shabaab kala wareegeen hub, gaadiid iyo qalab kale.
Taliyaha Guutada tobnaad ee Ciidamada XDS Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in dagaalo saacadihii ugu dambeeyey dhexmaray iyaga iyo Al-Shabaab ay uga furteen hub kala nooc ah, Gaadiid iyo qalab kale.
Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in sidoo kale ay howlgaladaas Al-shabaab kaga saareen degaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
“Howlgalku ma joogsanayo illaa dhamaan degaanada gobolka Hiiraan aanu kaga saareyno Al-Shabaab” ayuu yiri Taliyaha Guutada tobnaad ee Ciidamada XDS Faarax Cali Waasuge.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com