Jubbaland oo sheegtay iney la dagaalameyso ciidamada dowladu geysay Gedo

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo sheegay in heegan buuxa la geeliyay Ciidanka maamulkaas.

Hadalka ayaa yimid ka dib kulan uu iskugu yimid Golaha Wasiiradda maamulka Jubbaland kaasoo la sheegay in lagu go’aamiyay in iska caabin looga jawaabo dagaal dowladda dhexe ee Soomaaliya ku soo qaaday degaanada hoos taga maamulkaas sida warka loo dhigay.

Waxaa uu sheegay wasiirku in dowladda Soomaaliya ay weerar cad kusoo qaaday gobolka Gedo, isla markaana ay xoog kula wareegtay.

Waxaa uu xusay in Ciidamada Jubbaland meel walba oo ay jooggaan ay jawaab bixin doonaan, isla markaana wixii Mas’uuliyad ah ay qaadan doonto dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu ku eedeeyey iney ciidamo ku soo daabushay Jubbaland.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili ciidamo dowlada Somalia ka dirtay Muqdisho la geeyey degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Gedo, Waxaana saraakiisha dowladu sheegeen iney duulaan ka qaadayaan degaano ay ka taliso Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -