Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxkamad amartay in lasoo xiro Jocob Zuma iyo Sababta keentay oo la shaaciyay

Maxkamad kutaala dalka Koonfur Afrika ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro Madaxweynihii hore ee dalkaasi Jocob Zuma oo loo heesto dacwado la xariira in uu sameeyay Musuq maasuq intii uu xilka hayay.

Amarka maxkamada ku bixisay in lasoo xiro Madaxweyne hore Jocob Zuma ayaa timid kadib markii uu ka baaqsaday in uu hor yimaado maxkamada oo la filayay in ay qaado dacwada lagu soo eedeeyay.

Qareenada u doodaya Jocob Zuma ayaa sheegay in sababtii uu maanta maxkamada uga baaqday Madaxweynaha ay tahay xaalad caafimaad daro oo lasoo daristay taa oo keentay in uu awoodi waayo in uu maxkamada hortago.

Dhinaca kale Laanta qaran ee arrimaha dacwadda ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku doodday in warqaddii muujineysay inuu xannuunsanaa Jocob Zuma ay aheyd mid aan la aqbalin karin maadama ay u muuqatay in taarikhda wax laga badalay.

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaa marar badan maxkamad kasoo hor muuqday, waxaana loo heestaa musuq maasuq uu sameeyay intii uu talada hayay gaar ahaan lacag aad u badan uu guri aad u weyn ku dayactirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin ka carooday xaaskiisa oo socday in ka badan 420-KM iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Cabdi Cade

Masuul caawa lagu dilay Gaalkacyo & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Safar dhinaca dhulka ah ku tagaya Cadaado iyo Wafdi…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---