Goorma afhayeenka Villa Somalia loo magacaabay Jamaaludiin safiirka Itoobiya ee Somalia ? 

Waxaan daawaday muuqaal  uu Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustada uu uga hadlayey sii daynta halgamaagii laga afduubay SOOMAALIYA bishii August 2017 Col. Qalbi Dhagax ee ka dibna loo gacan galiyey kooxo maafiyo ah oo dawladda Itoobiya ka tirsan, oo afduub ugu haystey goobo gaar ah oo ay dadka afduuban ku xirtaan. Jamaaludiin wuxuu sheegay in dawladda Soomaaliya codsigeeda lagu sii daayey Qalbi Dhagax 27kii Juun, hadalkaasoo u muuqday mid uu marada ku dadayo dad afkoodii uu juuqda gabay, laakin inuu shahaado-zuur yahay ay cid walba wajigiisa ka dheehan karto.

Dadka siyaasadda u xirnaa ee la midka ahaa Qalbi Dhagax ee xabsiyda Itoobiya laga sii daayayna ha noo sheego Jamaaludiin cidda ka danbeysay sii deyntooda? In ONLF Barlamaanka Itoobiya loo gudbiyey in aysan argagixiso ahayn ha noo sheego cidda ka danbaysa!

Jamaaludiin wuxuu ka mid ahaa kuwii Qalbi Dhagax afduubkiisa gacanta ka gaystay, weliba in si dhuumaalaysi ah diyaarad loogu qaado Baydhabo ka dibna Itoobiya oo kooxahaas maafiyada ah loo gacan galiyo, Maanta inuu inta na soo hor istaago been intaas le’eg uu isku dayo inuu umadda ku marin habaabiyo waa arrin muujinaysa wadada dalkeenu uu qaaday iyo meesha xaal marayo.

Waxaan ka warqabnaa in marar badan la isku dayey mudadii kooxaha maafiyada ahi ay afduubka u heysteen Qalbi dhagax in laga hadalsiiyo asagoo leh wadahadal aan kula jiray dawladda Itoobiya Ãyaan ku imid, markii uu diidayna in laga shaqeeyey in la khaarajiyo, taasoo ilaahay ka badbaadiyay, hadalka Jamaaludiin wuxuu ka dhigan yahay “Col ku dhac oo tuugo ku ciidamisay!

Wadada u furan kooxdii shirkada ku ahayd falkii gurracnaa ee afduubka Qalbi Dhagax waa in ay cafis waydiistaan umadda, ka dibna Qalbi Dhagax, cid kasta oo laga hadalsiiyo ama been kasta oo la dhoodhoobo ma tirtiri karto xaqiiada jirta ee ku aadan taariikhda madow iyo raadka xun ee arrintaasi ay reebayso! Haddii la rabo haba laga hadalsiiyo aboowaha madaxweynaheena ee Abiy Axmed.

W/Q Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -