Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo dalbatay Waaran lagu soo xirayo C/rashiid Janan Codsina u dirtay Kenya

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dalbatay waaran Caalami ah oo loogu soo gacan galinayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan ka baxsaday xabsi uu kaga xirnaa magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in soo qabashada Cabdirashiid Janan ay xariir kala sameeyeen booliiska Caalamiga ee Interpol si loo soo qabto eedeesanaha loona maxkamadeeyo.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka dalbatay dowlada Kenya oo dalkeeda maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa Cabdirashiid Janan in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo qabato Janan uguna soo gacan galiso dowlada federaalka.

Warkab kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili maanta Cabdirashiid Janan uu soo gaaray gobolka Gedo uu awood ku leeyahay kadib safar maalmihii lasoo dhaafay uu ku joogay magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Yurub kuyaala oo soo saaray sharci cusub oo ku qasbaya dadka Muslimiinta ah ee qaadanaya dhalashada in ay…

Cabdi Cade

Xubno kale oo iska casilay guddiga doorashada Maamulka K/Galbeed

Caydiid Ali

Dowladda Ingiriiska oo ku dhawaaqday hadal ka nixiyay Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---