Baaritaanka Cudurka Coronavirus oo laga bilaabay Garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Wasaarada Caafimaadka xukuumada Somalia ayaa bilowday iney cudurka Coronavirus ka baarto dadka ka soo degaya garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Federaalka Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa kormeer ku tagtay saaka shaqada Caafimaad ee ka socota airportka si loo dar dar galiyo adeegga baarista cududrrada faafa gaar ahaan cudurka Coronavirus.

Dhaqaatiirta ku sugan Gegida dayuuradaha Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho ayaa  rakaabka dalka soo galaya siinaya tilmaamo cusub oo la xiriira cudurkaas halista ku ah dunida oo dhan, iyagoo qalab casri ah u adeegsanaya baaritaanka.

Wasiiradda Caafimaadka ayaa sidoo kale kulamo la qaadatay masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Wasiir Maxamed Cabdullahi Oomaar iyo sidoo kale hay’adda socdaalka iyo jinsiyada iyo Hay’adaha kale ee ka howlgala airportka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -