Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump oo Aqalka cad ku casuumay Jen. Cabdul-fataax Al- Burhaan

Mareykanka ayaa casuumaad u fidiyay hogaamiyaha Sudan Jen. Cabdul-fataax Al- Burhaan, waana martiqaadkii ugu horreeyay ee uu Mareykanka u fidiyo madaxweyne ka socda Sudan 30 sanno muddo ka badan

Jen. Burhaan ayaa dhawaan booqan doona Washington, waxay ka wadahadli doonaa madaxweyne Trump sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Xiriirka u dhexeeya Suudaan iyo Mareykanka ayaa hagaagay tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al Bashiir.
Suudaan ayaa weli ku jirtaa liiska Mareykanka ee dalalka maalgeliyo argagaixisada balse xukuumadda Washington waxay sheegtay in dhawaan laga yaabo inay ka saarto liiskaas.

Cabdul-fataax Al-Burhaan ayaa xilka la wareegay bishii Agoosto ee sannadkii tagey markii Suudaan laga hirgeliyay dowlad ku meel gaar ah inta laga qabanayo doorashooyin ay ka qeyb galaan axsaab badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciyaal weero dil u geysatay wiil dhalinyaro ah oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Putin oo xajiiyey in Ruushku uu markii u horeysay adeegsaday..

Caydiid Ali

Khilaafkii Siyaasiyiinta gobolada woqooyi ee DF oo mar kale soo labo kacleeyey ka dib markii..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---