Sadex kamid ahaa Musharaxiintii diidanaa Doorashadii Galmudug oo go’aankooda bedelay

Sadex kamid ah Musharaxiintii Mucaaradka ee diiday in ay ka qeyb galaan doorashadii Madaxweynaha Galmudug ayaa go’aankooda badalay, waxa ayna Musharaxiintan soo dhaweeyeen doorashadii dhacday una hambalyeeneen Madaxweynaha la doortay.

Musharaxiintan oo siyaabo kala duwan qoraalo usoo saaray ayaa waxa ay sheegeen in ay u tanaasuleen danta reer Galmudug , waxa ayna dhaliileen qaabka dowlada federaalka u martay dhismaha Galmudug.

Musharaxa Kamaal Guutaale ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo Madaxweynaha la doortay ee Galmudug Axmed Qoor Qoor, waxa uuna ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa garabyada ku hartamaya siyaasada Galmudug.

”Waxaan halkaan ka soo dhaweynayaa Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye ilaahayna oga baryayaa inuu ku asturo xilka muhiimka ah ee reer Galmudug uu u qaaday, waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka badalo hab-dhaqankii Dowladii uu wasiirka u ahaa, u howl galo sidii la isugu keeni lahaa garabyada maanta ku hartamaya Galmudug, uu dhaqan ka dhigto tanaasul iyo dad isku wad si loo gaaro Galmudug mideysan, loo dhan yahay oo isku Dan ah.” ayuu yiri Kamaal Guutaale.

Waxaa sidoo kale Doorashada Madaxweynaha Galmudug soo dhaweeyay Musharax Cabdi Dheere oo isna kamid ahaa musharaxiintii markii hore qaadacay Doorashada uu ku guuleestay Madaxweyne Qoor Qoor.

”Si kastaba ha ahaatee waxaan yaqiinsanahay in xaaladda dadka iyo deegaanka Galmudug aanu maanta xamili karin is qabqabsi hor leh oo horseedi kara in gebi ahaanba maamulku burburo, sidaas darteed waxaan go’aansaday in aan u tanaasulo maslaxada guud, uguna baaqo walaalaha kale in la isku tanaasulo lagana wada shaqeeyo maslaxada guud, waxaan u hanbalyeynayaa walaalkey Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo shaley loo doortey madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo madaxweyne kuxigeenkiisa mudane Cali Daahir Ciid, waxaana eebe uga baryayaa inuu la garab-galo xilka culus iyo howsha balaaran ee u loo igmaday. ayuu yiri Cabdi Dheere.

Xildhibaan Cabdulaahi Faarax Wehliye oo isna kamid ahaa musharaxiintii doorashada Galmudug diidanaa ayaa isna go’aankiisa badelay, waxa uuna soo dhaweeyay una hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay.

”Hadaba anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid. Waxaan leeyahay Hambalyo, xilkana Allaha idinku asturo. Waxaana u balan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono Inshallah.” ayuu yiri Mr Wehliye.

Musharaxiintan oo horey u diidanaa Doorashada kana soo horjeeday qaabka Xukuumada u maamuleysay doorashada ayaa ugu dambeyn tanaasul sameeyay, waxaana wali harsan oon go’aankiisa cadeyn musharax Odawaa oo isbaheysi la ahaa musharaxiintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -