Khilaafkii Siyaasiyiinta gobolada woqooyi ee DF oo mar kale soo labo kacleeyey ka dib markii..

Waxaa mar kale dib u soo labo kacleeyey Khilaafkii Siyaasiyiinta labada garab ee Gobolada Waqooyi ugu jira DF ka dib markii uu kala jabay guddigii doorashada ee ay wadajirka u soo Magacaabeen Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo RW kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland ee Xildhibaannada labada Aqal ayaa iska doortay manta Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen.

Khadar Xariir Xuseen ayaa loo doortay Guddoomiye, halka Najiib Xuseen Samaale loo doortay Ku-xigeen sida uu shaaciyey Guddiga Doorashada heer federaal.

Xubnaha isdoortay ayaa ka koobnaa 7 xubnood oo isugu jiray afar xubnood oo ka mid ahaa Guddigii 8-da Xubnood iyo Saddex Xubnood oo ahaa xubnihii dheeriga ee laga soo magacaabay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Doorashada ayaa waxaa ka maqnaa afarta xubnood ee ka socday dhanka Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana xubnaha is doortay ay ahaayeen kuwii ka yimid dhanka Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kala jabka guddigan uu yimid ka dib khiaaf ka dhashay soo jeedin ka timid garabka Cabdi Xaashi oo aheyd in aanay doorashda Guddoomiyaha Guddiga ka qeyb galin saddexda xubnood ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga soo magacaabay, iyagoo markii la diiday dalabkooda ka baxay doorashada gudoonka guddigaas oo sidaas ku noqotay mid hal dhinac ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -