Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Diyaarad ay saarnaayeen 176-qof oo ku bur burtay magaalada Tehran (Daawo Sawirada)

Wararka ka imaanaya magaalada Tahran ee caasimada dalka Iran ayaa sheegaya in diyaarad rakaab oo ka duushay garoon diyaaradeed oo kuyaala magaalada Tehran ay bur burtay wax yar kadib markii ay duushay.

Diyaaradn oo laga leeyahay dalka Ukrine nuuceeduna ahaa  737 oo ay saarnaayeen 180 ayaa bur burtay wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Imam Khomeini ee caasimadda Tehran.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarada bur burtay ay ku sii jeeday Caasimada dalka Ukraine ee Kiev, wakaalada wararka u faafisa Iran ayaana sheegtay in ay geeriyoodeen dhamana rakaabkii diyaarada saarnaa.

Kooxaha gurmadka deg dega ayaa loo diray goobta ay diyaaradu ku bur burtay, waxa ayna kooxaha gurmadka ku guul dareesteen in ay soo helaan dad ka bad baaday shilkan diyaaradeed.

Waxii warar ah ee kusoo kordha bur burka diyaaradan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Afar qof oo Isku Qoys ah oo ku dhintay Biyo xireen ay Sawir isaga qaadayeen

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Mohamed El-Amine

Caydiid Ali

Boqor William oo warqadaha aqonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---