Somalia oo laga taageerayo joojinta arrin dhibaato xooggan ku heysa dhalinyarada

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay maanta oo Axad ah xafiiskiisa Wasaaradda, Wakiil goboleedka Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan maandooriyaha iyo dembiyada (UNODC), Dr. Amado Philip de Andrés.

Waxay isla eegeen dhinacyada iskaashiga iyo isku duwidda xakamaynta maandooriyaha iyada oo la raacayo heshiisyo la saxiixay oo la taabbagalaya istiraatiijiyadda qaran ee la dagaalanka maandooriyaha.

Labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi u dhexeeya dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo dejiyo wax wadaag dhab ah oo hubiya sii ambaqaadka taageerada barnaamijyada mustaqbalka si kor loogu qaado awoodaha qaran ee looga hortagayo arrinkani iyo yareynta cawaaqib xumada uu ku yeelan karo qofka iyo bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -