Maraykanka oo Koonfurta Somalia ku duqeeyey xubno ka tirsan Al-Shabaab

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya saaxiibadood Soomaaliya ay 2-dii bishan oo shalay ku beegneyd ay duqeyn ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Duqeynta ayaa lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan la faahfaahin darajadiisa mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka shacabka sida War saxaafadeedka ku xusan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii afaraad ee sanadkan ay gudaha Somalia ka fuliyaan ciidamada Maraykanka ee gacanta siinaya kuwa Somalia.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadayo taageerada uu siiyo Ciidamada Soomaaliya, si looga adkaado Al-Shabaab oo sida qoraalka ku xusan lagu beegsan doono goob walba oo ay ku sugan yihiin.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MARAYKANKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -