Inta badan Xildhibaanada Ahlu Sunna oo ka maqan Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ka bilaabatay Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug iyo kuxigeenkiisa ay u tartamayaan musharaxiin badan.

Hoolka ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa waxaa  ku sugan Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo kuxigeekiisa, waxaa sidoo kale ku sugan Wasiiro , Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada federaalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal oo furay kulanka Xildhibaanada Galmudug ku dooranayaan Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa sheegay in kooramka Xildhibaanada wax dooranaya gaarayaan 77-Xildhibaan.

Doorashada waxaa ka maqan 12 Xildhibaan oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Galmudug ku matalaya kooxda Ahlu Sunna, waxaana doorashada jooga 8-Xildhibaan oo horey uga tirsanaa Ahlu Sunna balse ogolaaday in ay doorashada ka qeyb galaan.

Baarlamaanka Galmudug ayaa ka kooban 89-Xildhibaan waxaana 20-kamid ah Xildhibaanadaasi ka yimaadeen kooxda Ahlu Sunna halka tirada kalana ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka beelaha dega Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -