Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ay ka qeyb galayaan in ka badan 50-dowladood, Hay’ado caalami ah iyo Ururo daneeya arimaha Soomaaliya.

Shirkan waxaa goordhaw furay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana shirka ka qeyb galaya qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira sida Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Mahdi Guuleed ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka uga hadlay hormarada ka jira Soomaaliya gaar ahaan guulaha ay dowlada ka gaartay amaanka, Dhaqaalaha iyo sidoo kale la dagaalanka musuq maasuqa.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa sidoo kale shirka ka sheegay in dowladda federaalka ay diyaarisay sharciga doorashooyinka oo hor-yaala Baarlamaanka, isla markaana doorashada ay noqon doonto mid dadweyne.

Shirkan oo la filayo in mudo labo maalin ah ka socdo magaalada Muqdisho ayaa waxaan kasoo qeyb galin maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaaf siyaasadeed xiligan kala dhaxeeyo dowlada federaalka.

Related posts

Kaalintee Somalia ka gashay liiska dalalka Caalamka ugu Nabdoon sanadkii hore ?

Caydiid Ali

Cuno qabateyntii ugu adkeyd Taariikhda oo lagu soo rogayo dowlad ka tirsan caalamka

Caydiid Ali

Lix caruur ah oo ku geeriyootay roobab saacado badan ka da’aya Muqdisho & nawaaxigeeda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---