Goormaa dalka la keenaya Meydka Marxuum Cali Mahdi, halkeese lagu aasi doonaa?

Guddiga Qaran ee qabanqaabada aaska Allaha u naxariitee madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, ayaa sheegay in maalinta berrito oo Jimce ah dalka la keeni doono meydka Madaxweynaha laguna aasi doono magalaada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddigaas ka mid ah ayaa sheegay in shaqada guddiga ay tahay diyaarinta hab-maamuuska dowliga ah ee  aaska qaran ee loo sameynayo Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Meydka marxuumka ayaa lagu aasi doonaa qeyb yar oo ka mid ah Masaajid uu Marxuum Cali Mahdi ka dhisay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, halkaasoo uu ka dardaarmay in lagu aaso intii uu noolaa.

Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday xalay isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo da’diisu tahay 83 sano jir.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi ka kooban 11 xubnood oo ay kamid yihiin; wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir u xil saaray qaban qaabada aaska Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale, madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliy ayaa ku dhawaaqay in sadex maalin oo baroor-diiq ah loo sameyn doono isla markaana calanka jamhuuriyadda hoos loo dhigi doono, si loo maamuso madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii affaraad ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -