Beesha Ceyr oo Caawa Raali galisay Beesha Murusade (Daawo Sawirada)

Waxaa caawa magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ka dhacday munaasabad balaaran oo Beesha Ceyr ay ku raali galinayeen walaalahooda Beesha Murusade ee ku sugan Magaalada Dhuusomareeb.

Beesha Ceyr ayaana ka raali galineysay Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beesha Murusade hadalo gef u muuqday oo dhawaan waxgarad iyo Haweenka kasoo jeeda Beesha Ceyr hawada u mariyeen Siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda Beesha Murusade.

Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo kamid ah Waxgaradka beesha Ceyr ayaa sheegay in caawa munaasabadan u dhigeen sidii ay walaalahooda beesha Beesha Murusade uga raali galin lahaayeen hadaladii gefka ahaa ay u geesteen dad beeshooda kasoo jeeda.

”Waxaan caawa rabnaa in aan halkan ka raali galino Walaalaha Beesha Murusade, lama qabno raalina kama nihin hadaladii gefka ahaa ee kasoo yeeray dad beeshayada katirsan, Caawa hoyaad ayaan ka nahay gefkaasi walaalaheen loo geestay, Ceelbuur iyo Dhuusomareeb lama kala lahan ,Murusade iyo Ceyrna waa dad wada dhashay oo waarid iyo walaal isku ah , waxaana rajeeneynaa in raali galinteena aad aqbali doontaan” ayuu yiri Ugaas Cabdi Daahir.

Ugaaska Beesha Murusade Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay raali ka yihiin walaalahooda beesha Ceyr, waxa uuna tilmaamay in aysan xanuujin hadaladii ay maqlayeen isagoona tilmaamay in gefkaasi aysan geesan beesha Ceyr balse ay geesteen shaqsiyaad aan matalin beeshaasi.

”Waxaan uga mahad celineynaa walaalaheyna Beesha Ceyr gogosha quruxda badan ay noo dhigeen, raali ayaana ka nahay walaalaheyna, waan ognahay in beesha Ceyr aysan gefkaasi geesan raalina kawada aheyn balse uu ka dhacay shaqsiyaad gaar ah umana nisbeeneyno dadkaasi gefka geestay beesha Ceyr, waxaan rabnaa in aan cafino xitaa kuwii gefka geestay, anaguna walaalaheyn waxaan ka dalbaneynaa in dhankoodana na cafiyaan” Ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi.

Dhinaca kale waxaa munaasabada ka hadashay Senatar Jawaahir Axmed Cilmi oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Dhuusomareeb, waxa ayna sheegtay in caawa halkan u yimaadeen sidii Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Murusade ee loo gefay u raali galin lahaayeen.

Senatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo ka hadlay munaasabada caawa ka dhacday Dhuusomareeb ayaa sheegay in hadaladii isaga iyo waxgarad kalaba laga sheegay in aysan waxba u dhimin, waxa uuna tilmaamay qofka marka uu siyaasad ku dhax jiro in uu la kulmayo hadalo dacaayad iyo waxyaabo kale oo kasii badan.

Waxa uuna Cadeeyay Senatar Dhagdheer in ay walaalahooda ka qabaan raali galinta, waxa uuna cadeeyay in Dhuusomareeb mudo todobo bilood ah u joogeen sidii loo heli lahaa Maamul loo dhan yahay walina ka shaqeenayaan.

Munaasabada caawa ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa si qurux badan kusoo dhamaatay, waxaana xabadka is galiyay isna wada raali galiyay dhamaan waxgaradkii, Siyaasiyiintii iyo dadkii kale ee ka qeyb galay munaasabada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -