Duqa Muqdisho oo mamnuucay Isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada ,Taabuuga iyo kuwa kale (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa mamnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka

Yuusuf Madaale ayaa sidoo kale amray in xiliga habeenka waxii ka dambeeyay 12:00 aysan furnaan karin goobaha lagu caweeyo ee kuyaalla magaalada Muqdisho .

Amarkan ayaa Duqa Magaalada Muqdisho ka sheegay kulan uu xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir .

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhawwaan xiray xarumo kuyaalla magaalada Muqdisho oo lagu isticmaali jiray waxyaabaha maanka-dooriya sidoo kale ku caweyn jireen dhallinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho.

- Advertisement -