Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah dowladaha Carabta oo si lama filaan ah u shaacisay ciidamo ka jooga Soomaaliya

Sida lagu soo daabacay Wargeysyo ka soo baxa dalalka Carabta Boqorka dalka Urdun ayaa markii ugu horeysay shaaciyey inay dalkiisa ciidamo ka joogaan Somalia, kuwaasoo qeyb ka ah hawlgalka la-dagaalanka Alshabaab.

Boqor Cabddalla Al-Thaani ayaa hadalkan u sheegay mar uu la kulmay Mudanayaal ka tirsan Kongareska Maraykanka, balse ma shaacin tiradooda.

Waxa uu xusay in ciidan ka socda Millateriga dalkiisa ay ka garab dagaalamaan ciidanka gaarka ah ee Britain ee hawlgalka u jooga Somalia.

Cabddalla Al-Thaani ayaa dhinaca kale waxaa uu sheegay inay Iskaashi milliteri leeyihiin ciidanka Britain iyo kuwa Kenyanka ee ka hawl-gala Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inaan Al-shabaab looga guuleysan Karin haddii aysan Caalamka u midoobin.

Waa markii ugu horreysay oo la shaaciyo in dowlada Urdun oo ka mid ah dalalka Carabta ay ciidamo ka joogaan Somalia kuwaasoo qeyb ka ah ciidamada caalamiga ah ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab, mana cadda in dowlada Somalia ay ka warqabto ciidamada Urdun iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo dadka ugu baaqay in ay ka dheeraadaan Masaajida kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Ruushka oo duqeyn lagu hoobtay ka geystay Kyiev (Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoomiye Baarlamaanka oo lagu doortay magaalada Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---