Baarlamanka Galmudug oo kulan deg deg ah la iskugu yeeray & Xildhibaanadii Ahlu sunna oo..

Sida ay sheegayaan warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Dhuusamareeb waxaa la filayaa inuu halkaas ka furmo kulan deg deg ah oo ay yeelan doonaan Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug.

Gudoonka Baarlamanka Galmudug ayaa iskugu yeeray Xildhibaanada iney ka soo qeyb galaan kulankan deg deg ah oo wararku sheegayaan in looga hadlayo qodobo xasaasi ah oo la xiriira xeer hoosaadka iyo diyaar garowga doorashada hogaanka Galmudug.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in hoolka uu kulanka ka dhacayo ay joogaan, ayna kulanka maanta ka qeyb galayaan qaar ka mid ah 20-kii xildhibaan ee Ahlu sunna ugu jiray Baarlamanka oo maalmo ka hor ka dareeray kulamada golaha ka dib markii ay ahlu suna ay qaadacday doorashada Galmudug.

Qaar ka mid ah odayaasha beelaha Galmudug oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa ugu baaqay xildhibaanada ay keensatay Ahlu suna iney yimaadaan fadhiyada golaha haddii ay sidaas yeeli waayaana laga tashan doono ayna soo magacaabi doonaan xildhibaanadii bedeli lahaa.

Doorashada Madaxweynaha galmudug iyo ku-xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in aakhirka bishan ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb inkastoo kooxda ahlu suna ay abuurtay khilaaf dhabarjab ku ah doorashada iyagoo ku eedeynaya DF iney aafduubatay doorashada hogaanka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -