Dhalinyaro Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Cape Town (Magacyada)

Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa xalay dil iyo dhaawac loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada halkaas ku nool.

Falkan ayaa dhacay Bartamaha Xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Bellville ee Magaalada Cape Town ka dib markii burcad hubeysan oo u dhashay dalkaas ay weerar ku soo qaadeen goobo ganacsi oo ay halkaas ku lahaayeen dhalinyaradan Soomaalida ah.

Isla xalay Magaalada Cape Town waxaa dhaawac loogu geystay ganacsade kale oo Soomaaliyeed kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyay Mustaf, waxaana la geeyey goob caafimad oo lagu daweynayo, iyadoo ay baxsadeen kooxihii dilka iyo dhaawaca geystay.

Ganacsatada Soomaalida ee ku sugan Koonfur Afrika ayaa ka walaacsan dilalka iyo weerarada sii kordhayaa ee lagu hayo, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii isla magaaladan Cape Town lagu dilay muwaadin kale oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -