Lacagta lagu iibsanayo Codadka Xildhibaanada Puntland oo caawa dhaaftay 50-Kun oo Dollar iyo Musharaxa ugu …

Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ka socdo ololihii ugu dambeeyay uguna xooganaa ee doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Ololaha caawa ka socda magaalada Garawe ayaa ah mid aan horey loo arag, waxaana halkaasi ka socda kala xod xodashada Xildhibaanada Puntland ee bari codkooda lagu kala bixi doono.

Sida aan Wararka ku heleyno Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa codadka Xildhibaanada ku kasbanaya lacag waali ah, waxaana saacado saacada ka dambeysa lacaga laaluushka ay gaarayaan halkii ugu sareysay.

Musharaxiinta qaarkood ayaa gor gortan kula jira Xildhibaanada Puntland, waxaana lacagaha codadka lagu kala iibsanayo hada lasoo sheegayaa in ay ka badan yihiin 50-Lun oo dollar oo halkii codba lagu iibsanayo .

Musharaxiinta lacagta ugu badan bixinaya ayaa la sheegay in ay yihiin Maxamuud Khaliif Jabiye, Cabdiweli Gaas,  Saciid C/llaahi Deni iyo Musharaxa ugu da’da yar Doorashada Asad Diyaano.

Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa iyagana laga cabsi qabaa in ay sare u qaadaan lacagaha lagu kala iibsanayo codadka Xildhibaanada ayna sameeyaan balan qaad waali ah.

Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa beri ka dhaceysa magaalada Garawe, walina lama saadaalin karo mushraxa ku guuleesan kara doorashada Madaxweynaha Puntland oo sanadkan ah mid aad u adag una taagan yihiin musharaxiin badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -