Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo dhinacyo badan iska kaashanaya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan lagu xoojinayo amniga la yeeshay Kusimaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kaasi oo diiradda la saaray iskaashiga dhinacyada amnig iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Intii kulanku socday, labada masuul waxay isla soo qaadeen istiraatiijiyadda lagu xoojinayo iskaashiga amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray sidii loo taageeri lahaa hey’adaha amniga dalka iyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha Khawaarijta ah ee khatarta ku haya xasilloonida dalka.

James Swan ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku horumarinayso amniga, isagoo ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si loo gaaro yoolalka amniga iyo horumarka waara.

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa dhankiisa xusay muhiimmadda iskaashiga caalamiga ah, xoojinta amniga gudaha iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdoon oo ay bulshada Soomaaliyeed ku horumari karto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciro oo madax iyo shacab kula tukaday Hargeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin ku labistay dharka Dumarka si uu ciyaar ugu guuleesto iyo fashilkii ku dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu ergayga DF ee Somaliland kala hadlay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---