Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Uhuru Kenyatta oo isku shaandheeyey golihiisa Wasiirada & Monica Juma oo..

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku Shaandheyn uu ku sameeyay Golihiisa wasiirada isagoo wasiirada qaar xilalka u kala badalay.

Isku shaandheynta ayaa saameysay wasiiro caan ah oo muddo ka dhex muuqday golaha wasiirada Kenya.

Wasiirkii arrimaha dibadda Monica Juma oo si weyn uga dhex muuqatay kiiska badda ee Somalia iyo Kenya ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Gaashaandhigga halka wasiirkii gaashaadhigga Raychelle Omamo iyana loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda

Madaxweyne Kenyatta ayaa saluugsanaa muddoba qaabka ay Monica Juma u wajaheyso kiiska badda isagoo dhowr mar ku sigtay inuu xilka ka qaado sida ay qoreen warbaahinta kenya qaarkood

Sicily Kariuki oo horay u ahaa wasiirkii caafimaadka ayaa loo magacaabay wasiirka biyaha halka Simon Chelugui oo horay u ahaa wasiirka biyaha loo magacaabay wasiirka shaqaalaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliban oo hal shardi oo adag ku xirtay Nabad ka dhalata dalka Afgaanistan

Cabdi Cade

Sacuudiga oo difaacay amar muran badan dhaliyay oo kasoo baxay & hadal heyn ka dhalatay !!

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo isku shaandheyn kooban goordhaw sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---