Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Injineero Turki ah oo lagu weeraray qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax laga maqlay duhurnimadii maanta duleedka Muqdisho gaar ahaan degaanka Ceelasha Biyaha kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa la sheegay in lagu weeraray Injineero u dhashay dalka Turkiga oo ku howlan dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ka badbaadeen injineerada Turkiga balse uu ku geeriyooday qof shacab ah, halka labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda ee ilaalada u ahaa injineerada ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa markii uu dhacay ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada dowladdu fureen rasaas farabadan taasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay waxaana dib u soo laabtay socodka gaadiidka wadada Afgooye oo muddo kooban hakad galay.

Dhowaan ayey aheyd markii Qarax gaari laga soo buuxiyey uu ka dhacay Ex-control Afgooye kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 100 qof oo ay ku jireen labo injineer oo u dhashay dalka Turkiga kuwaasoo ka qeyb qaadanayey dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo markii u horeysay qiratay guuldaro iyo fashil dagaal

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo ka Jawaabay Qoraalkii Farmaajo Amarna siiyay Saraakiisha Ciidamada NISA

Cabdi Cade

Manifesto 2 oo Baaq Muhiim ah u dirtay Dowlada Federaalka iyo Musharaxiinta Mucaaradka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---