Sacuudiga oo difaacay amar muran badan dhaliyay oo kasoo baxay & hadal heyn ka dhalatay !!

Boqortooyada Sacuudiga ayaa mamnuucday in aadaanka Salaadaha ee Masaajida laga maqlo banaanka, waxa ayna maamulayaasha Masaajida amar ku siisay in sameecadaha banaanka aan laga maqli karin aadanka Salaadaha.

Wasiirka arrimaha Diinta ee Boqortooyada Sacuudiga, Cabdulladhiif Al-Sheekh, ayaa difaacay go’aankan ay ku mamnuuceen in dhawaqa aadaanka Salaadaha laga maqlo banaanka Masaajida.

Waxa uu sheegay Wasiir Abdullatif al-Sheikh in amarkan dowlada soo saartay uu jawaab u ahaa cabasho ka timid muwaadiniinta qaar oo aheyd in maqalka dheer uu carqalad ku yahay caruurta iyo dadka da’da ah.

“Kuwa doonaya inay tukadaan uma baahna inay sugaan aadaanka Mu’adinka, waa inay Masjidka sii joogaan kahor aadanka,”” ayuu ku yiri Wasiirka Diinta Sacuudiga Abdullatif al-Sheikh .

Amarkan kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaana hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalkaasi, waxa ayna dadka qaar ugu baaqayeen maamulayaasha Sacuudiga in ay joojiyaan sameecadaha Muusiga ee kasoo yeeraya hoteelada iyo goobaha kale.

Maamulka Boqortooyada Sacuudiga oo hormuud u yahay Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa doonaya in Sacuudiga ka dhigo dal fur furan, waxa uuna horey meesha uga saaray dhaqamo ka jiray Sacuudiga sida in haweenka baabuurta wadi karaan iyo kuwa kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -