Iran oo Xabsi Dhigtay Safiirka Britian u joogay dalkaasi iyo Sababta keentay

Ciidamada amaanka dowlada Iran ayaa saacado kooban xabsiga dhigay Safiirkii dowlada Britain u fadhiyay magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran ,kadib markii lagu eedeeyay in uu taageeray banaan bax looga soo horjeeday hogaanka sare ee Kacaanka Iran.

Danjire Rob Macaire ayaa laamaha amaanka Iran ku eedeeyeen in uu bogaadiyay banaan bax ay arday ka dhigayeen afaafka hore labo Jaamacad oo kutaala Tehran, waxaana banaan baxa looga soo horjeeday diyaaradii Milatariga Iran soo rideen.

Wasaarada arimaha dibadda Iran ayaa la sheegay in ay soo faragalisay xariga Tehran loogu geestay Safiirka Britian u fadhiya dalkaasi, waxaana lagu guuleestay in safiirka saacado kadib xabsiga laga sii daayo.

War kasoo baxay Wasaarada arimaha Dibadda Britain ayaa lagu canbaareeyay xariga magaalada Tehran loogu geestay safiirkooda, waxa ayna Wasaarada sheegtay in Iran ku xad gudubtay xeerka Diblumaasiyada caalamiga.

Xariga Safiirka Britain u fadhiyo dalka Iran ayaa kusoo aadaya kadib markii dhalinyaro careesan banaan baxyo ka dhigeen magaalada Tehraan, kuwaa oo ku baaqayay in uu is casilo Hogaamiya Iran Ayattulahi Cali Khumeni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -