Kenya oo bilowday xeelad cusub oo ay kaga hortageyso weerarada Al-Shabaab

Dowlada Kenya ayaa bilowday iney ilaalo hubeysan raaciso basaska ka shaqeeya inta u dhaxaysa Ismaamulka Lamu iyo degmada Garseen oo ka tirsan dowlad degaanka Tana River.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay kaddib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab ka fuliyaan degaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.

Saraakiisha Booliska ee gobolka Xeebta ayaa Warbaahinta u sheegay in sababaha ilaalada u qaateen Basaska ay tahay sidii loo badbaadin lahaa nolosha dadka rayidka ah ee Basaska saaran, loogana hortegi lahaa weerarada Al-shabaab ku beegsadaan basaska.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii bas lagu weeraray Lamu lagu dilay saddex qof oo shacab ahaa sidoo kalena weeraro kala duwan ay ka dhaceen gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, lamana oga in talaabadan cusub ay wax ka bedeli karto weerarada Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -