Kenya oo shaacisey in la laayey dabley Al-Shabaab lagu tuhmay oo bus weeraray

Ciidamada Kenya ayaa sheegay iney dileen afar nin oo ka dambeeyey weerarkii shalay lagu qaaday bas mararay meel u dhow magaalo xeebeedka Lamu.

Waxaa lagu dilay weerarka buska 3 qof halka dhawr kalana uu dhaawac soo gaaray ka dib markii dabley hubeysan ay rasaas oodda uga qaadeen baska oo ka yimid magaalada Mombasa.

Ragga laga shakisan yahay iney weerarka soo qaadeen ayaa waxaa la dilay saacada ka dib markii ay ciidamada amaanku sameeyeen howlgalo dabagal ah.

Booliska ayaa sidoo kale gacanta ku haya nin la qabtay xilliga hawlgalka oo looga shakinsan yahay inuu ka mid ahaa dableyda buska weerartay.

Ma jirto cid sheegatay weerarka buska balse Al-shabaab ayaa weeraro noocaan oo kale ah isla goobtan horay ugu qaaday basas iyo gawaari ay boolisku leeyihiin oo halkaas marayey.

Booliska Kenya ayaa heegan sare ku jiray xilliyadii ciidda Kirismiska iyo dabaaldegga sannadka cusub, kadib warbixino ay soo saareen sirdoonka oo ka digay weeraro ay qorsheynayaan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -