Maraykanka oo duqeyn ku dilay Jen. Qassem Soleimani iyo ku-xigeenkiisii

Madaxii Ciidamada xulka ah ee Quds Force ee Iran, General Qassem Soleimani, ayaa aroortii hore ee subaxnimadan jimcaha ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Baqdaad, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciraaq.

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Jeneraal Qasem Soleimani, iyadoo Sarkaal katirsan Dowladda Mareykanka uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay fuliyeen duqeynta, laguna beegsaday kooxo taabacsan Iran.

Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliye ku-xigeenkii Maleeshiyaadka Ciraaq ee ay taageerayaan Iran ee Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Caanka ee Ciraaq, ayaa sidoo kale la dilay

Gantaal ayaa lagu soo waramayaa inuu kolonyadooda kula dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha. Saraakiisha ayaa sheegay in tirada guud ee khasaaraha aysan caddeyn, laakiin la rumeysan yahay in ugu yaraan toddobo qof ay dhimatay.

Waxaa ka mid ah qof lagu tilmaamay inuu yahay madaxa borotokoolka garoonka, kaasoo hal sarkaal uu sheegay inuu halkaas u joogay inuu soo qaado laba qof oo ahaa marti “heer-sare” ah.

Qudus waa unug ka mid ah Ilaalada Kacaanka Iran. Shaqadeeda ugu weynina waa inay ka fuliso hawlgal militari meel ka baxsan dalka Iran.

Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Caanka ah ee Ciraaq waxay xiriir dhow la leeyihiin Iran waxayna ka dambeeyeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

Dilka Jeneraalkan ayaa dadka darsa arrimaha bariga dhexe waxay aaminsan yihiin in ay dhalin doonta xiisad horleh, lagana yaabo in Iran ay qaado tallaabo aargoosi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -