Wararkii u dambeeyey Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho iyo Booliska oo ka hadlay

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax xooggan oo caawa fiidnimadii dhacay Magaalada Muqdisho, caasimada Somalia

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay meelo badan ayey wararku sheegayaan inuu ka dhacay degmada Shingaani  ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qof isku  soo xirtay waxyaabo qarxa uu isku qarxiyey Maqaahi ku taalla halka loo yaqaano saddexda Geed oo ku dhow saldhiga Booliska degmada Shingaani.

Waxaa goobta gaaray ciidamada amaanka oo halkaas xiray iyo gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasta oo la sheegay iney halkaas ka qaadeen meydad iyo dhaawacyo waxyeelo ka soo gaartay qaraxaas.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani.Alaha u naxariisto Ummadda aan waxba galabsan oo argagaixisadu weerartay” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidanka Booliska DF.

Qaraxan ayeysan weli aysan jirin cid sheegatay, inkastoo kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada DF iyo shisheeye looga bartay weeraradan oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -