Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo digniin ka soo saartay dibad-bax saaka laga abaabulayo Boasaaso

Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) ayaa digniin ka bixiyay banaanbax maanta laga abaabulayo magaalada Boosaaso kaasoo looga soo horjeedo hannaanka loo qaybiyay maamulka Waaxyaha Magaalada.

Guddoomiye Abwaan, ayaa sheegay in hannaankaasi ay soo hindiseen Golaha Degaanka Degmada Boosaaso, islamarkaana ujeedkiisu yahay Maamul daadejinta, si loo xaqiijiyo Amniga Xaafadaha Boosaaso.

Wuxuu sheegay inaan la aqbali doonin in la siyaasadeeyo Barnaamijka, isagoo ku hanjabay in cid kasta oo isku dayda khal-khal gelinta Amniga Boosaaso tallaabo adag laga qaadi doono.

“Dadka banaanbaxa ka abaabulaya magaalada Boosaaso iyo kuwa isqarxiya waa isku mid oo amniga ayey lidi ku yihiin, talaabo adag ayaana ka qaadeynaa cidii isku dayda iney amniga wax u dhinto” ayuu yiri.

Mudane Abwaan, wuxuu sidoo kale caddeeyay in Barnaamijka Waaxyaha Degmada Boosaaso aan lagu qaybin Hannaan Qabiil, balse lagu saleeyay Nidaamka Dowliga ah ee daadejinta Adeegyada dadweynaha.

Guddoomiyaha, oo ka jawaabayay su’aal la xiriirtay Cabashada Shacabka qaar ka muujiyeen Barnaamijkaas, ayaa sheegay in aysan jirin cid cabasho u soo gudbisay Dowladda, haddiise ay jiraan laga dhegaysan doono wixii Cabasho ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahad Madoobe oo biskoolad darteed dil u geestay oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Jubbaland oo Kenya ka difaacday eedeyntii kaga timid Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali

Haween loo Magacaabay Madaxweyne kuxigeenka iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Uganda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---