Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladaha Somalia iyo Boqortooyada Sacuudiga oo heshiis kala saxiixday (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta JFS Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan & wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada barakaysan ee Makka Al Mukarramah ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga.

Wasiirka wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta ayaa xusay caqabadaha sanadkii hore ay wajaheen xujayda Soomaaliyeed sida ciriiriga goobaha teendhooyinka mashaacirta, ciladaha gaadiidka gaar ahaan mashaacirta & suuliyada oo aad ugu yaraa xujayda soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda xajka & cumrada Sucuudiga Dr. Mohamed Salah binu Dahir Bintan ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladda Sucuudiga ay xalinayso dhammaan caqabadaha uu xusay wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta isagoo carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay xoojinta iskaashiga wanaagsan ee labada wasaaradood.

Gabagabadii, labada wasiir ayaa saxiixay heshiiska xajka sanadkan iyadoo ay wasaaraddu dalabatay kordhinta qoondada xujeyda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aroosad halis gashay oo go’aansatay in xaflada arooskeeda uu sii socdo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Deni oo go’aano deg deg ah ka soo saaray diidmada Shilinka ee degaanada Puntland

Caydiid Ali

Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka ka ambabaxay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---