Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada Somalia oo kala xulaneysa Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaan wali dooran Gudoomiyihii badeli lahaa Maxamed Sheekh Cusmana Jawaari oo dhawaan isku casilay cadaadis kaga yimid Xildhibaanada Golaha Shacabka qaarkood iyo Madaxda sare.

Sida qorshuhu ahaa Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa lagu waday in lagu soo doorto 15-maalin gudahood oo kasoo bilaabaneysa markii uu is casilay Gudoomiyhii hore ee Golaha Shacabka Jawaari.

Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Muudey oo hada ah kusimaha Gudoomiyaha ayaan wali shaacin xiliga la qabanayo doorashada Gudoomiyaha, waxaana gabo gabo ku dhaw waqtigii loogu tala galay in lagu soo doorto Gudoomiye cusub.

Sida aan wararka ku heleyno dib u dhaca doorasha Gudoomiyaha golah Shacabka ayaa sabab looga dhigay Madaxtooyada Soomaaliya oon wali calaamadeesan shaqsiga kursigan ku fariisan lahaa.

Madaxtooyada Soomaaliya oo dooneysa in kursiga Gudoomiyaha golaha Shacabka ku fariisto shaqsiga iyaga ay rabaan iskuna siyaasad yihiin ayaa wali ku mashquulsan kala xulashada shaqsiyada dhoor ah oo miiska u saaran.

Waxaa jira Shaqsiyaad gaar ah oo si weyn loo hadal hayo in Madaxtooyada Soomaaliya ay midkood kasoo xulan doonto, waxaana la saadaalinayaa in kursiga Gudoomiyaha golaha Shacabka ku guuleesan doono shaqsiga ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya.

Kursiga Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa hada waxaa isku soo sharaxay dhoor musharax oo damac uga jiro kursigaasi, waxaana Musharaxiinta qaar ku jira kuwa saameyn badan leh asxaana ku dhax leh Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caawa talo siiyay Kooxda Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Burcad-badeedii Soomaaliyeed ee afduubatay Markabkii MV Ruen oo la geeyay Mumbai (Sawirro)

Cabdi Cade

Goobaha halista ah ay Israa’iil ka weerari karto Iran oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---