Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dagaal khasaare nafeed geystay oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye

Dagaal ayaa saaka ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo dabley ka tirsan ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dableyda ka tirsan Al-shabaab ay weerareen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaasi.

Ciidamada la weeraray ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin booliska Soomaaliya, qiyaastii muddo saaacad ah ayuuna socday dagaalka u dhaxeeyay labada dhinac oo hub kala duwan la isku adeegsaday.

Inta la xaqiijiyay labo oo qof shacab ah ayaa ku geeriyooday dagaalka kuwaasoo ay haleeshay rasaas habow ah, lamana oga khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.

Ciidamada Booliska degmada Afgooye ayaa maanta waxaa ay baaritaano ka wadaan xaafado ka tirsan degmadaasi, waxaana hadda degan xaalada goobihii lagu dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Itoobiya oo Cafis u fidisay Maxaabiis badan oo u xirneyd

Cabdi Cade

Trump oo shaaca ka qaaday in Eeyo arxan daran u adeegsanayo Dibad baxayaasha hadii ay…

Cabdi Cade

Saciid Deni: “Mad-madowgii DF iyo dowlad goboleedyada meesha waa ka baxay”

admin
Taboola Ads ---