Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Ibraahim dheere loo diiday xafiiska Guddoomiye Cumar Filish?

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Maaliyada ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle (Ibraahim Dheere) ayaa wajahaya cadaadis cusub iyo bahdilaad kaga imanaysa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) oo ka xirtay xafiiska kana xareystay dokumentiyadii maamulka.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii Gudoomiye Cumar Filish uu safar dibeda ah u baxay isagoo ka mid ah wafdiga raisul Wasaaraha ee booqanaya dalka Qatar iyo dalal kale oo ka tirsan Yurub.

Ibraahim Dheere oo ah Ku-simaha duqa Muqdisho ayaa loo diiday inuu fariisto xafiiska Guddoomiye Cumar Filish, iyadoo arintan si weyn looga hadal hayo xarunta Maamulka gobolka Banaadir.

Macluumaadka la helayo ayaa ku waramaya in howlwadeenada xafiiska Cumar Filish ay ku wargeliyeen Ibraahim Dheere inuusan fariisan Karin xafiiska duqa Muqdisho, wax dokumenti ahna isticmaali karin sidaasna amar lagu siiyey.

Arintan ayaa Ibraahim Dheere waxay ku qasabtay inuu qaadi waayo wax talaabo ah oo lagu socodsiinayo howlihii xarunta dowlada hoose, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in sidoo kale laga xiray qasnada laga bixiyo dhaqaalaha lagu kala wado howl maalmeedka dowlada hoose ee Muqdisho.

Xog kale oo laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Gudoomiye Cumar Filish uu ka carooday qaabkii uu xafiiskiisa u maamulay Ibraahim Dheere intii uu ku maqnaa safarkii uu dhowaan ku tagay dalka Koonfur Afrika.

Khilaaf ba’an ayaa horey u soo dhexmaray labada masuul markii la isku qabsaday qaabka loo maamulay lacag gaareysa milyan dollar oo Ibraahim dheere uu ka bixiyey Akoonka dowlada hoose bil gudaheed intii uu ahaa Sii-hayaha duqa Muqdisho, laguna mashquulsanaa aaska iyo baroordiiqda Marxuum Eng. Yariisow, waxaana Ibraahim dheere lagu tuhmay inuu ku kacay Musuq iyo wax isdaba marin.

Inkastoo markii dambe la heshiisiiyey labada nin, lana xaliyey Mad madowgii soo kala dhex galay haddana waxaa muuqata iney weli kala shakisan yihiin, iyadoo haddii aan arintan xal loo helin ay sababi karto in xilka laga qaado labada nin midkood maadaama ay wada shaqeyn waayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

 

 

Related posts

Dibad baxayaal hubeesan oo gudaha u galay Madaxtooyo Maamul goboleed (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo ka walaacsan qorshe Halistiisa wata oo ay damacsan tahay Russia

Cabdi Cade

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---