Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Beelihii isku fara saaray degaano ka tirsan Mudug oo heshiis hordhac ah gaaray (Sawirro)

Beelo ka soo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland oo dhowaan ku dagaalamay degaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa galabta gaaray heshiis hordhac ah.

Taliyaha Ciidanka dhulka Jen. Cabdixamiid Max’ed Dirir oo ku guuleystay inuu isku keeno waxgaradka beelahan ayaa wadahadalka labada beelood dhexdhexaadinayey.

Taliyaha oo ka hadlay kulamadii lagu dhexdhexaadiyay waxgaradka beelahan ayaa sheegay in labada dhinac ay diyaar u yihiin iney nabadku wada noolaadaan

“Colaadaan soo noq-noqotay, waxaan ku rajo weynahay in aanay dib u soo laabanin” ayuu yiri taliyaha ciidanka dhulka oo u mahad celiyey waxgaradka beelaha.

Qodoada hordhaca ah ee labada beelood ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah xabad joojinta in la sii xoojiyo, in laga wada shaqeeyo Nabada, iyo la qabto dhowaan shir balaaran oo heshiis kama dambeys looga gaarai colaadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray xarun cusub oo loogu talo galay..

Caydiid Ali

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo muddo 48 saac ah u qabtay Golihiisa Wasiirada

Caydiid Ali

Safaaradii Iran ku laheyd Sacuudiga oo dib loo furay todoba sano ka dib (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---