Howlgalka ATMIS oo soo saaray War xasaasi ah oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ku laayeen dad shacab ah oo ku safrayay inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Maxaas, sidoo kale ku gubeen gaadiid raashin iyo sahay kale siday.

Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada Al Shabaab u geesteen shacabka, waxa ayna cadeeyeen in ay ka qeyb qaadanayaan howlgalada ka dhanka ah kooxdaasi ee dalka qeybo kamid ah ka bilowday.

“ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka ATMIS kasoo baxay.

Warkan ayaa imaanaya xilli Al Shabaab dad shacab ah ku laayeen inta u dhaxeysa Baledweyn iyo Maxaas, weerarkan ayaana dhaliyay cambaareyn iyo carro xooggan oo ka imaaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo dowlado shisheeye.

Ciidamada ATMIS ayaa muddooyinkan dambe u muuqday kuwa aan dhaafin xeryaha ay degan yihiin, lamana oga in ay ka dhabeyn doonaan ballanqaadkooda ku aadan in ay ka qeyb galayaan howlgalada cusub ee Al Shabaab lagula dagaalamayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -