Koobka Khaliijka ee lagu qabtay Dooxa oo Xaqiijiyay Awood Diblomaasiyadeed

Tartankii 24aad ee Koobka Khaliijka Carabta “Gulf Cup” ayaa lagu qabtay sanadkan magaaladda Dooxa ee dalka Qadar. Inkastoo safarka duulimaad toos ah ee dalka Qadar la mamnuucay, haddana tartanka waxaa ka soo qeybgalay ciyaartoy ka kala socda dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreen, Kuwait, Cuman, Ciraq iyo Yemen.

Ciyaar ka dhacday garoonka “Khalifa International Stadium” ee Dooxa maalintii Isniinta December 2, 2019 oo ay iskaga horyimideen xulka Kubadda Cagta ee dalka Qadar iyo kan Imaaraadka, ayaa kooxdii Imaaraadka looga badiyay 4 iyo 2, oo aysan filaneyn.

Tababaraha Imaaraadka Bert Van Marwijk oo la wareystay ciyaarta ka hor ayaa muujiyay kalsooni uu ku qabo kooxdiisa, isagoo yiri “kooxdeedu way garanayaan sida loo garaaco kooxda heysata koobka Asiya [Qadar].”

Boqorka Caawiyaha Ciyaarta Akram Afif ayaase beeniyay warkiisii kadib markii uu beerka u geliayay kooxda Imaaraadka labadii gool ee ugu horeyay. Weeraryahanka Afif oo kooxdiisa Al Sadd (Qadar) ku caawimay inay ku guuleysato koobkii kubadda cagta ee 2019 – Aasiya, ayaa loo magacaabay inuu yahay cayaaryahankii sanadka 2019 ee Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya.

Kooxda Qadar waxay u gudubtay “Semifinal”ka tartanka gobolka, hase yeeshee waxaa sugeysa maalinta Khamiista koox Sacuudiga oo Isniintii xaqiijiyay booskooda kadib markii ay 3 iyo 1 ku garaacday kooxdii Cumaan.

Wolaw, ciyaartoyda labada koox (Qadar iyo Imaaraadka) ay u ciyaareen “Guul amase Geeri,” haddana kooxda Imaaraadka ma lahayn khibrad u dhiganta tan ka soo horjeeday. Sidoo kale, Kooxda Qadar waxay u ciyaareen si ka fiican sidii ay ula ciyaartay kooxda Ciraaq oo kaga badisay 2 iyo 0 furitaankii ciyaaraha.

Markii heesta calanka Imaaraadka laga qaaday garoonka ciyaaraha, waxaa muuqatay in garoonka oo dhan laga istaagay si ixtiraam leh, iyadoo taageerayaasha Qadar ay ula dhaqmeen kooxda Imaaraadka si xushmad leh. Haddana, waxaa muuqatay markii ciyaarta bilaabatay in kooxda Imaaraadka aysan garoonka “Khalifa International” ee Dooxa ku laheyn taageerayaal, taas oo ay sabab u tahay siyaasaddii cunaqabateenta Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Sanadii 2017, dalalka Baxreyn, Imaaraadka, iyo Sacuudiga waxay diideen inay ka qaybgalaan ciyaaro la filayay inay ka dhacaan dalka Qadar, balse loo wareejiyay Kuwait kadib markii ay cunaqabateen ku soo rogeen Qadar.

Bilowgiisa sanadka, ciyaar ka dhacday garoonka Abu Dhabi, ayaa kooxda Qadar ka carootay kadib markii kooxda Imaaraadka oo looga badiyay 4 iyo 0 taageerayaashoodii kabaha ku tuurayn ciyaartooyddii Qadar ee martida u ahayd.

Si kastaba ha ahaate, falanqeeyayaasha xiisada khaliijka waxaa u muuqata in martigelinta tartanka ciyaaraha 24aad ee Koobka Khaliijka Carabta uu xaqiijiyay awood diblomaasiyadeed in looga gudbi karo caqabadaha siyaasadeed ee gobolka, walow dadka si xun wax u arka ay ku fasirayaan inay ahayd waji badbaanin oo keliya.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -