Askari Weerar ka geestay xero ciidan oo kutaala Mareykanka oo amaanay Osama Bin Ladin

Askari u dhashay Boqortooyada Sacuudiga ayaa toogasho sababtay dhimasho iyo dhaawac ka geestay xarun ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin gobolka Florida, waxaana hada socda baaritaano ku aadan weerarkan dhacay.

Maxamed Saciid Al-Shamrani  oo ahaa askari katirsanaa ciidamada cirka ee Sacuudiga ayaa toogasho ku dilay sadex askari oo Mareykan ah halka uu dhaawac u geestay sideed askari oo kale kahor inta aanan la toogan.

Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa bilowday baaritaano ku aadan weerarka uu geestay askarigan tababarka loo geeyay Mareykanka, waxa ayna FBI-da codsatay in gacan laga siiyo baaritaanka kiiska askarigan toogashada geestay.

FBI-da Mareykanka ayaa sidoo kale su’aalo weediineysaa askar kale oo u dhalatay Sacuudiga oo tababarka la qaadanayay askariga dilka geestay, waxaa sidoo kale la baarayaa in askariga dilka geestay dad kale xiriiro la sameeyay.

War kasoo baxay booliiska dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in askarigan Sacuudiga u dhashay kahor inta uusan weerarka geesan uu daawaday dil wadareed iyo sidoo kale weeraro kale oo dad lagu dilayay.

Mohammed Saciidd Al-Shamrani ayaa sidoo kale la sheegay in bar uu Twitterka ku leeyahay kahor inta uusan weerarka geesan uu ku qoray hadalo ka dhan ah dowlada Mareykanka gaar ahaan colaada Mareykanka ka wado wadamo dibada ah.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegay qaarkood in askarigan toogashada geestay uu bartiisa Twitterka ku qaray amaan uu u jeedinayo Hogaamiyihii la dilay ee ururka Al Qaacida Osama Bin Ladin.

Xoghayaha gaashaandhigga dalka Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay in toogashadan ka dhacday xerada kutaala Florisa aan lagu tilmaami karin fal argagixiso, waxa uuna tilmaamay in ay socdaan baaritaano.

Boqorka Sacuudiga ayaa dsi kulul u cambaareeyay weerarka askariga Sacuudiga ka geestay xarun ay ciidamada Mareykanku leeyihiin, waxa uuna boqorka weerarkaasi ku tilmaamay mid waxaashnimo ah.

 

- Advertisement -