Wasiiro ku lug lahaa Shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso oo shaqada laga joojiyay

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wareegto uu soo saaray shaqada uga joojiyay labo wasiir oo katirsan maamulka Puntland , kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen shaqaaqadii shalay ka dhacday garoonka Boosaaso.

Wasiiradan shaqo joojinta lagu sameeyey oo kala ah wasiirka duulista hawada Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo Wasiirka Dekedaha Axmed Yaasiin ayaa la sheegay in ay sabab u ahaayeen in la celiyo diyaaradii garoonka kasoo degtay ee sababtay dagaalka.

Talaabadii lagu celiyay diyaaradii ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Yaasiin oo sidoo kale waday gargaar ayaa sababtay in ay dagaalamaan ciidamo katirsan Puntland,waxaana dagaalka ku dhintay dad ka badan 10-qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -