Allbanaadir.com
NEWS

Dacwad ka dhan ah Muuse Biixi oo loo gudbiyay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullahi Cirro ayaa kulamo kala duwan la qaatay xubno ka mid ah Beesha Caalamka oo uu kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Cirro ayaa wakiillada Midowga Yurub iyo danjire ku xigeenka Mareykanka kula kulmay Nairobi,waxaana uu u sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu doonayo dagaal sokeeye oo ay Somaliland dib ugu laabto.

“Muuse waxaa uu doonayaa in uu gaaro ahdaaf uusan ku gaarin dagaalkii sokeeye ee sanadkii 1994tii,taas waxaa ay ka soo horjeeddaa rabitaanka dadka Somaliland” ayuu yiri Guddoomiye Cirro

Wakiillada Beesha Caalamka ee uu la kulmay Cirro ayaa shaaciyay in 18ka Bishan December ay ergo ka socota tagayaan Hargeysa muddo Laba maalmood ahna ku sugnaanayaan halkaas si ay u qiimeeyaan xaaladda Somaliland.

Muuse Biixi ayaa dhawaan Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada u sheegay in ay sameystaan muddo kororsi si isaga uu waqti kororsi u helo marka la gaaro doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Labada Gole ee Somaliland ayaa muddo 15 sano ah fadhiya kuraasta kuwaas oo kaliya qofka dhinta uu Kursiga banneeyo halka inta kale aanay gelin wax doorasho ah muddo kororsina sameeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Xog) Farmaajo oo wada xeelad uu ku soo jiidanayo Xildhibanada Mucaaradsan

Caydiid Ali

Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay & DF oo ka hadashay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Guusha Xulka kubada cagta Soomaaliya

Cabdi Cade