Maareeye: “Xasan Daahir haddii uu xabsi guri ku jiro xuquuq buu u leeyahay inuu telefan heysto”

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay eedeyn uu shalay u jeediyay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aheyd in dowladu gadaal ka riixeyso culimada hadalkiisa redisay oo uu ku jiro Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in arrinta lagu heysto C/raxmaan Cabdishakuur ay tahay mid Diini ah oo Culimadda Soomaaliyeed ay heystaan, dowladana aysan shuqul ku laheyn.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan leeyahay arin diini ah baad ka hadashay waa lagu heystaa culimo badan baa ku heysta, arintu ma taagna eedeyn dowladeed iyo hebel baan is heynaa, mana ahan arin aftahanimo u baahan, waa arin halis ah oo diini ah una baahan inaad is beri yeesho,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Waxaa uu intaas ku daray in siyaasigan looga baahan yahay in culimada kulmiyo ka dibna weydiiyo halka ay wax ka qaldan yihiin.

“Waxaan ugu baaqayaa siyaasiga inuu qabto Kulan Culimo ah oo uu ku weydiinayo warkiisa iyo waxa ay ka qabto diinta, haddii ay sheegaan in uusan dambi laheyn wuu iska bari yeelay, haddii ay dhahaan waad qaldan tahayna ha tago masaajidka ugu dhow ee ha towbad keeno, markaas ka dib dowlada iyo cida kale ee ay is hayaan ha iska celiyo” ayuu yiri “Wasiir Mareeye.

Mar Wasiirka wax laga weydiiyey hadalkii Sheekh Xasan Daahir Aweys oo uu C/raxmaan Cabdishakuur dowladda ku eedeeyey inay isaga u adeegsaneyso ayuu sheegay in arintaas aysan waxba ka jirin.

“Xasan Daahir haddii uu xabsi guri ku jiro xuquuq buu u leeyahay inuu telefan heysto teknolojiyada u saamaxday inuu telefankiisa hawada geliyo, dowladu media uma geynin mana dhihin wax soo duub, isagaa u arka in diintiisa la soo weeraray”

Mar uu ka jawaabayey hadal ka soo yeeray C/raxmaan Cabdishakuur oo ahaa inuu xiriir ka dhexeeyo dowlada iyo argagaxisada ayuu wasiirku ku tilmaamay hadal caqliga ka baxsan, isagoo xusay in dowladu u taagan tahay la dagaalanka iyo cirib tirka argagxisada, wuxuuna kula taliyey C/raxmaan Cabdishakuur inuu iska beri yeelo hadalka ay culimadu ku heysato taladiisana qaato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -